Non-Woven Bags
Non-Woven Bags ama Sallada suuf ah, waa mid waxyeelo aanan u geysanayn deegaanka iyo xayawaankaba, isla markaana la gaga kaaftoomi karo baahidii loo qabay bacaha oo inta badan waxyeello ba’an u gaysta deegaanka iyo xayawaanka.
Bacaha aan isticmaalno waxay ka samaysan yihiin walxo aan si fudud u burburin. Waxay qaadan kartaa sanado badan in bac meel taalla ay si buuxda u baaba’do.
Waxay bacuhu ku dhammaadaan qashin. Waxaana lagu arkaa waddooyinka, jardiinooyinka, iyo baddaha. Waxay wasakheeyaan dhulka; biyaha iyo Xayawaanka. Tusaale ahaan xayawaanka badda ku nool sida kalluunka iyo nooleyaasha kale waxay u maleeyaan bacaha in ay yihiin cunto, taas oo ku noqota mid dillaa ah.
Adeegsiga salladaha suufka ah waxay waxtar u tahay dhaqammada waara ee la gu badbaadinayo bed qabka deegaankeena iyo caafimaadka guud ahaan.
Waxaa salladahan loo adeegsadaa kaydinta iyo qaadista alaabaha kala duwan.
Haddaba Shirkadda Badbaado oo ka qeyb qaadaneynsa fayo-qabka deegaanka ayaa hirgellisay salladdan bey’adda u fiican oo ah (ecofriendly).
Ballanteenu waa:
“Ficil kasta oo yar wuxuu sameyn karaa isbeddel weyn, waxaan wadajir u abuuri karnaa deegaan nadiif ah, caafimaad leh, oo loogu talagalay jiilasha soo socda”